https://www.premierbank.so/

DEG-DEG: Roman Abramovich Oo Murugaysan Oo Kasoo Muuqday Warbaahinta Isaga Oo Ku Sugan Waddanka Yuhuudda Iyo Waddanka Islaamka Ah Ee Uu U Duulay

Mulkiilaha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Roman Abramovich ayaa maanta isaga oo murugaysan ka duulay magaalada Tel Aviv ee waddanka Israel, halkaas oo sawirro lagaga qaaday isaga oo u muuqnayay mid niyad ahaan iyo jidh ahaanba burburay.

Abramovich oo ay dawladda UK xayiraad kusoo rogtay ayaa waxa lagu arkay garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ee ku yaalla magaalada Tel Aviv, halkaas oo uu waxyar kaddibna uga sii duulay magaalada Istanbul ee waddanka Turkey.

Sawir laga qaaday Abramovich ayaa waxa uu muujiyey isaga oo fadhiya qolka VIP, wajigana ku xidhan maaskaro laakiin hoos iskaga dejiyey oo daanka iyo gadhka geeyey.

Telefoonkiisa ayaa uu ku fooraray ka hor intii aanu si degdeg ah u samaynin jalleeco uu madaxa kor u qaaday, waxaana la fahamsan yahay in bilyaneerkan uu waqti hore oo maanta ah uu tegay qasriga qiimihiisu gaadhayo £65 milyan ee Gini ee uu ku leeyahay Tel Aviv.

Diyaaradda raaxada ah ee uu khaaska u leeyahay Abramovich ayaa ka degtay Turkey markii ay saacaddu ahayd 3pm galabnimo waqtiga UK.

Roman Abramovich oo uu asalkiisu yahay Yuhuudi ayaa haysta baasaboorrada Israel iyo Portugal oo uu muwaadiniintooda ka mid yahay, hase yeeshee waxa uu u dhashay Russia oo uu waliba saaxiib dhow la yahay madaxweyne Vladimir Putin, waxaanu Khamiistii ka mid noqday toddoba muwaadin oo Ruush ah oo ay dawladda UK xayiraado kusoo rogtay.

Subaxnimadii saaka ayuu wasiirka Arrimaha dibedda ee Israel, Yair Lapid sheegay in hay’adaha lacagta dalkiisa, bangiyada iyo laamaha socdaalku ay ka fiirsanayaan xayiraado ay kusoo rogaan hantida uu dalkaas ku leeyahay Roman Abramovich, waxaana la rumaysan yahay in sababaha uu uga baxay dalkaas maanta ay ka mid tahay arrinta ay dawladda Yuhuuddu shaacisay.

https://www.premierbank.so/