https://www.premierbank.so/

Aabaha Dhalay Lionel Messi Oo Telefoon Kula Hadlay Barcelona Xilli Uu Laacibkani Ku Dhibaatoonayo PSG

Aabaha dhalay xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa xidhiidh la sameeyey kooxda reer Spain ee Barcelona isaga oo raadinaya suurtogelinimada in uu laacibkani dib ugu laaban karo Camp Nou.

Lionel Messi ayaa xagaagii soo afjaray 21 sannadood oo uu u ciyaarayay Barcelona oo uu kasoo baxay kulliyaddeeda da’yarta kaddib markii ay kooxdu u diiday inay siiso heshiis cusub, waxaanu sii xor ah ugu wareegay PSG oo uu qalinka ugu duugay qandaraas laba sannadood.

Xiddigan toddobada jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa 26 ciyaarood oo uu u saftay PSG waxa uu wali muujinayaa in aanu si fiican ula jaan-qaadin, isaga oo u dhaliyey toddoba gool oo kaliya oo dhamaan tartamada ah, waxaana  uu canaan badan ku mutaystay labadii ciyaarood ee wareegga 16ka Champions League.

Lugtii hore ee Parc des Princes ay kooxdiisu ku qaabbishay Real Madrid ayuu rikoodhe iyo fursado kale lumiyey, ciyaartii labaadna waxa uu ahaa mid aan muuqanin, taasina waxay keentay in taageereyaashu ay ku ooriyaan mar kasta oo uu kubadda taabto intii ay socotay ciyaartii ay Axaddii 3-0 ku garaaceen Bordeaux.

Sida uu sheegay wariyaha reer Spain ee Gerard Moreno, Jorge Messi oo ah aabbaha dhalay Lionel Messi ayaa dhowaan khadka telefoonka kula hadlay masuuliyiinta Barcelona, isaga oo raadinaya dariiq uu wiilkiisu ugu laabto Camp Nou xagaaga soo socda.

Xavi Hernandez iyo Joan Laporta ayaa la rumaysan yahay in uu Jorge  Messi la hadlay, laakiin wariyuhu ma sheegin jawaabta la siiyey Jorge intii uu socday kulanka khadka telefoonka ee dhexmaray labada dhinac.

Barcelona oo markii ay Lionel Messi fasaxaysay ku andacootay in aanay haysanin lacag ay mushaharkiisa ku bixiso ayaa waxay bishii January soo qaadatay afarta ciyaartoy ee Ferran Torres, Pierre-Emerick Aubameyang, Adama Traore iyo Dani Alves, waxaanay labada hore goolal dhaliyeen kulankii ay xalay 4-0 ku xasuuqeen Osasuna.

 

https://www.premierbank.so/