https://www.premierbank.so/

HORDHAC: Man United v Atletico Madrid – CR7 Oo Markale Ka Inkaarsan Kara Simeone

Manchester United iyo Atletico Madrid ayaa caawa si fool ka fool ah ugu dagaalami doona inay xaqiiqsadaan booskooda wareega siddeed dhammaadka Champions League.

Kulamada ka hadhsan lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League ayaa dhacaya caawa iyo habeen dambe iyadoo isku aadka la samayn doono Jimcaha soo socda.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Manchester United ayaa xerada tababarka kooxdeeda dib ugu soo dhawaysay Bruno Fernandes, Luke Shaw iyo Scott McTominay oo dhammaantood dhaawac/xanuun kaga maqnaa kulankii Tottenham ee Sabtidii.

McTominay ayaa booska khadka dhexe ee burburiyaha kala bixi kara Matic oo Sabtidii ciyaaray halka Anthony Elanga amaba Bruno Fernandes ay keydka u dhaadhicin karaan Marcus Rashford.

Dhinaca kale Atletico Madrid ayay ka kala maqnaan doonaan Matheus Cunha iyo Daniel Wass oo isagu suuqii January kusoo biiray oo dhaawacyo qabaa halka Yannick Carrasco uu markale ganaax kaga maqnaan doono macalin Diego Simeone.

Kondogbia iyo Hermoso oo aan qayb ka ahayn kulankii horyaalka ee Cadiz kaddib dhaawacyo ay qabeen ayaa kusoo baxay liiska xiddigaha Atletico ugu safray magaalada Manchester balse waxa wali maqan Vrsaljko iyo Thomas Lemar.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Man United (4-3-3): de Gea; Dalot, Lindelof, Varane, Telles; Fernandes, McTominay, Fred; Pogba, Ronaldo, Sancho

Atletico Madrid (3-5-2): Oblak; Savic, Gimenez, Reinildo; Llorente, Herrera, Koke, De Paul, Lodi; Correa, Felix

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Old Trafford

Garsoore: Slavco Vincic (Slovenia)

 

https://www.premierbank.so/