https://www.premierbank.so/

HORDHAC: Ajax v Benfica – Ten Hag Oo Markale Taariikh Ku Hoggaanin Kara Ajax, Shaxda Macquulka Ah & Xogta Kulanka

 

Kaddib markii ay kulan xiiso badan oo ka dhacay Portugal bar-bardhac 2-2 ah kusoo galeen, Ajax iyo Benfica ayaa markale ku kulmaya magaalada Amesterdam kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League.

Kooxda Dutch-ka ah ayaa kulankeedii toddobaadkan guul 3-2 ah dhinaca horyaalka kasoo gaadhay dhigeeda Cambuur halka ay kooxda martida ahi bar-bardhac 1-1 ah lasoo gashay Vizela.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Goolhayihii kooxda Ajax ee Remko Pasveer ayaa ku biiray liiska dhaawacyada kooxdaas kaddib far uu ka jabay, booskii 38 sano jirkaas ayuu buuxin doonaa Andre Onana.

Daafaca midig ee Mazraoui ayaa kasoo kabtay jug uu qabay isla markaana 62 daqiiqo ciyaaray kulankii Cambuur, waxa la filayaa inuu kusoo bilawdo markale kulankan halka Edson Alvarez lagu wado inuu xanuun uu ku maqnaa kasoo kabto.

Dhinaca Benfica, Taarabt ayaa diyaar u ah inuu kulankan ka qayb qaato kaddib kaadh cas oo uu horyaalka qaatay kulankii ugu dambeeyay.

Werwerka ugu weyn ee Benfica ayaa ah inay u joogaan lix ciyaartoy oo haddii ay kaadh qaataan seegi doona lugta koowaadee wareega siddeed dhammaadka haddiiba ay soo baxaan.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Ajax: Onana; Mazraoui, Timber, Martinez, Blind; Klaassen, Gravenberch; Antony, Berghuis, Tadic; Haller

Benfica: Vlachodimos; Lazaro, Otamendi, Vertonghen, Grimaldo; Silva, Weigl, Taarabt, Everton; Ramos, Nunez

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Johan Cruyyf Arena

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Carlos del Cerro (Spain)

https://www.premierbank.so/