https://www.premierbank.so/

Mo Salah ma ka soo laaban doonaa dhaawaca ka hor kulanka Arsenal

Sabtdii ayay ahayd markii Salah bedel lagu sameeyay shan daqiiqo kaddib markii uu rigoore ka dhaliyay Brighton kaddib dhaawac cagta ka gaadhay

Klopp ayaa sheegay in Mohamed uu dhaawacaasi haleelay kaddib markii kubad uu isku dayay inuu laago uu ka xanibay mid kamida xiddigaha Brighton.

Si kastaba, Klopp ayaa sheegay in 29 sano jirka ree Masar uu isagu ku adkaysanayo inuu fiican yahay balse ay qabaan inuusan 100% ahayn taas oo shaki gelinaysa diyaar ahaanshihiisa habeen dambe.

“Isagu waxa uu filayaa inaysan halis ahayn balse marka aad aragto Salah oo dhulka fadhiya, waxa jira wax aan 100% sax ahayn” ayuu yidhi Jurgen.

https://www.premierbank.so/