Xog Cusub Oo Daboolka Ka Qaadday In Cristiano Ronaldo Uu Yahay Ciyaartoygii Ugu Fiicnaa Madaxaynta Kubadda Cagta.
Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa Sabtidii dib inoo xasuusiyey inuu yahay ciyaartoy wali aad u fiican, kaddib saddexlaydii uu ka dhaliyey Tottenham Hotspur, taas oo isagana siisay rikoodh ah inuu noqdo ciyaartoygii ugu goolasha badnaa taariikhda kubadda cagta.
Manchester United ayaa in muddo ah raadinaysay Ronaldo-hii dhabta ahaa ee hore ugu ciyaari jiray oo aanay ka haynin wixii ay uga baratay, laakiin Sabtidii ay xaqiiqsatay in laacibkeedani uu boodhka iska jafayo, kaddib saddex gool oo daran dooni ah oo uu ku kiciyey jamaahiirta Old Trafford fadhiday ee ay tiradoodu kor u dhaafaysay 70,000 qof.
Kaddib toban ciyaarood oo uu hal gool oo kaliya dhaliyey, waxa uu Ronaldo kooxda kusoo celiyey kaalinta afraad, balse Arsenal ayaa Axaddii mar kale ka tuurtay booskaas, hase yeeshee ifafaalaha laga arkay ayaa ahaa inuu laacibkani kooxda ku tartansiinayo booska kaalinta afraad.
Goolka saddexaad oo ahaa madax meel fog ah, ayaa waxa uu Cristiano Ronaldo u ahaa midkii 66aad ee uu madax ku dhaliyo tan iyo sannadkii 2009, waana xilli ciyaareedkiisii koowaad ee Real Madrid. Laga soo bilaabo waqtigaas, waxa uu shabaqa taabsiiyey 66 gool oo uu ku dhaliyey madax, waxaana kusoo xiga Robert Lewandowski oo isaguna 48 gool madax ku dhaliyey.
Waqtigiisii hore ee Manchester United ee lixda sannadood ee u dhaxeeyey 2003 illaa 2009, Cristiano Ronaldo waxa uu dhaliyey goolal madax ahaa oo naadigiisa guulo ku hoggaamiyey, waxaana ka mid ahaa ciyaartii wareegga siddeedda Champions League ee Roma ee sannadkii 2008 iyo finalkii Champions League ee Chelsea.
Halyeygii hore ee Chelsea ee Tony Cascarino oo isku soo ururiyey goolasha uu Ronaldo madaxa ku dhaliyey ayaa waxa uu ku sifeeyey xiddigii ugu fiicnaa ee dhinaca madaxa ee garoomada soo mara, waxaana uu tusaale usoo qaatay goolashii uu dhaliyey waqtiyadiisii Real Madrid iyo Juventus.