https://www.premierbank.so/

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Jasiiradda Madaxtinimada Golaha Guud ee Qaramada Midobay

Wasiirkii wasaaradda arrimaha dibada ee jasiiradda maaldafiis mudane Abdulla Shaahid ayaa kalfadhigii 76aad ee golaha guud ee qaramada midoobay loogu doortay madaxwaynaha golaha guud ee qaramada midoobay.

Doorashadani oo ka dhacday gudaha xarunta golaha guud ee qaramada midoobay ayaa ay soo xaadireen 191 xubnood oo uu ka kooban yahay golahaasi, kuwaasi oo metela dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay. Wasiir Shaahid ayaa jagadani kula tartamay wasiirka arrimaha dibada ee jamhuuriyadda islaamiga ah ee afgaanistaan mudane Salmiya raasuul.

Kadib markii ay soo dhamaatay tirinta codadkii ay labada mudane kala heleen ayaa la shaaciyay in jagadaasi uu ku guulaystay wasiir Abdulla Shaahid oo metelayay dawlada maldafiis, islamarkaasina ay kalsoonida cododkooda xiiyeen 143 xubnood halka wasiir Salmiya uu isna helay 48 cod. Waxana sidaasi muddo sanad ah oo u dhaxaysa 2021 ilaa 2022 xilka madaxwaynaha golaha guud ee qaramada midoobay ku hayndoona mudane shahid.

Kadib ku dhawaaqista natiijada wasiir Abdulla Shaahid oo hadalo kooban jeediyay, ayaa sheegay in uu xooga saari doono sidii dawladaha dunidu ay si siman ugu heli lahaayeen talaalka xanuunka daran ee covid 19. Waxana uu sidoo kale uu sheegay inuu daba ka riixi doono in dunidu ay hesho kaabeyaal dhaqaale oo sahlaya in dib u kabasho dhaqaalaha caalamku ka helo dhiibaatooyinka dhaqaale ee uu sababay xanuunka Covid 19.

Golaha guud ee qaramada midoobay waa gole maamula miisaaniyadda qaramada midoobay, sidoo kalena la dagaalama sabaalnimada. Xarunta golaha guud ee qaramada midoobay waa goobta uu si sanadle ah uga dhaco shirka madaxweynayaasha dunidu walaw sanadkii hore uu hakiyay sadhada covid 19ku.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antoniyo Guternes ayaa u hambalyeeyay guusha wasiir Shaahid, waxana uu sheegay in madaxwaynaha Golaha Guud ee qaramada midoobay uu yahay xubinta ugu shaqada badan Qaramada Midoobay, marka la eego dhanka aasaaska shaqadeeda, ” waxana muhiim ah buu yidhi in hawl ka badan uu qabto sannadkani 2021 wasiir shaahid maadaama ay xaaladu ka adag tahay sanadihii hore.

https://www.premierbank.so/