Xuquuqda Lo’da oo ka sareysa Xuquuqda Dadka Muslimiinta Hindiya, HRW
Hay’adda xuquuqda aadanaha ee human rights watch ayaa xukuumadda dalka hindiya ku dhalleecaysay in ay xil aad u weyn iska saarto ilaalinta lo’da iyo xuquuqda dadka lo’da dhaqiddeeda iyo daryeelkeeda ka shaqeeya, iyada oo ay dayacan yihiin ubadka iyo ehelada dadkii muslimiinta muwaadiniinta hindiya ahaa ee ay dileen dadka lo’da caabuda oo ka cadhooda cunista hilibkeedu.
Hay’adda human rights watch waxa aysheegtay in maxkamadaha dalka hindiya aanay cadaalad u eegin dacwadaha ay soo xaraystaan muslimiinta muwaadiniinta ah ee ka cabanaya in ay iyaga ama eheladooda waxyeello ka soo gaadhay dadka hindida ah ee lo’da caabuda. kuwaas oo marar badan muslimiinta ku dila cunista hilibka ama keliya in ay ku arkaan ficillo ay u fasirtaan in aanay ixtiraamayn lo’da.
Dadka dalka hindiya badankoodu waxa ay haystaan diinta hinduuska, waxa aanay caabudaan lo’da oo ay aaminsan yihiin in ay muqaddas tahay.
inta badan ee goballada dalka hindiya waxaa ka jira sharciyo mamnuucaya qalashada lo’da iyo cunista hilibkeeda.
Warbixinta ay human rights watch qortay oo 104 bog ka kooban waxa ay ku sheegtay in muddooyinkii u dambeeyey ay kor u sii kacayaan weerarrada ay dadka lo’ caabudka ahi ku qaadayaan dadka muslimiinta ah, gaar ahaan goballada ay ku tiro yar yihiin muslimiintu. waxa aanay dhibaatada muslimiinta muwaadiniinta ah lagu hayaa aad u korodhay intii ka dambaysay sannadkii 2014 ka oo uu xukunka dalkaas hayey naarindra muudi oo ay aad u taageeraan dadka aad ugu dheggen diinta hinduusku.

hay’adda xuquuqda aadamaha ayaa warbixinteeda ku sheegtay in sannadkii 2018 ka dalkaas lagu dilay dad gaadhaya 44 qof oo ay 36 ka mid ahi yihiin muslimiin, sababta loo dilay la xidhiidhay lo’da.
hay’addu waxa ay sheegtay in booliiska dalka hindiya uu si badheedh ah uga caga jiido dacwadaha lagu soo oogo dadka hinduuska ah ee sababo diintooda ah awgeed u gala dembiyo, waxa kale oo ay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga talada hayaa ay marar kala duwan jeediyaan hadallo loo fahmayo in ay ogol yihiin xad gudubka ay dadka lo’da caabudaa ku hayaan muslimiinta dalka la leh.
arrintan oo sida ay warbixintu sheegtay ay uga jeedaan in ay codad badan kaga helaan dadka hinduuska ah ee dalka u badan.
hay’adda xuquuqda aadamaha ayaa warbixinteeda ku sheegtay in marka dalka hindiya la joogo ixtiraamka ay dawladdu siiso xuquuqda lo’du uu ka badan yahay ka ay siiso dadka muslimiinta ah.
Waxa aanay dawladda hindiya ugu baaqday in ay hoos u eegto xuquuqda muslimiinta muwaadiniinta ah, iyo in ay dhowrto xuquuqdooda bani’ aadamnimoπ.






