https://www.premierbank.so/

Warbixin Cusub: Sababaha Turkigu Uga Soo Horjeedo Aqoonsiga iyo Jiritaanka Somaliland

Warbixin cusub aya bayaamisay sababta uu Turkiga dagaalka adag ugula jiro aqoonsiga iyo jiritaanka Somaliland.
Jonathan Conricus , Khabiir ka tirsan Mac-hadka Difaaca Dimuqraadiyadda oo xaruntiisu tahay caasimadda Maraykanka ee Washington DC ayaa tilmaamay in inkastoo dalal badan oo Bariga Dhexe iyo Afrikaba ah ay la daalaadhacayaan xasilloonidarro gudahooda ah oo ka dhalatay cabashooyin qowmiyadeed iyo kala qaybsanaan bulsho, Laakiin Turkiga ayaa muujiyay fal-celinta ugu kulul ee aqoonsiga Somaliland. Sida uu qabo khabiirkani, waxaa tan sabab u ah laba arrimood: midda hore, Turkigu waxa uu si ballaadhan u maalgeliyay Soomaaliya oo uu dhaqaale badan ka helaa, wuxuuna ka baqayaa in hadda Israel ay saamayn siyaasadeed oo weyn ku yeelato Somaliland — taas oo cidhiidhi gelinkarta danihiisa geeska Afrika.

Aragtida labaad ayaa ah in Turkigu uu ka cabsi qabo rabitaanka qowmiyadda Kurdiyiinta ee bariga Turkiga, kuwaas oo muddo dheer ka cabanayay cadaadis siyaasadeed iyo xuquuq la’aan, taasoo ka dhigaysa Turkiga mid aad uga taxaddaraya isbeddelkasta oo dawladnimada dunida Islaamka.

Warbixintu waxay intaa ku dartay inay haatan socdaan, dedaalo badan oo lagu kobcinayo xidhiidhka u dhexeeya Israel iyo Somaliland si uu u noqdo iskaashiga buuxa, sida horumarinta amniga, ganacsiga, iyo tacliinta.

Khabiirkan ayaa saadaaliyay in aqoonsiga Somaliland uu si caalami ah u hirgelindoono, iyadoo Maraykanka iyo dalal kale taageeri doonaan in Somaliland ka mid noqoto wadamada qaramada midoobay.

CBA TV