Shan qof ayaa ku geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Gabiley.
0 Comments
Shilka oo ahaa mid aad u ba’an ayaa ka dhashay isku dhaca laba gaadhi, waxaana isla goobtaas ama wax yar kadib ku naf waayay shantii qof ee saarnaa mid ka mid ah gaadiidka, kuwaas oo kala ahaa saddex nin iyo laba dumar ah.
Sidoo kale, siddeed qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka, waxaana hadda lagu dabiibayaa Cisbitaalka Gabiley, iyadoo la sheegayo in qaarkood xaaladdoodu culus tahay.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in burburka gaadiidku ahaa mid aad u xooggan, taasoo sababtay in ay adkaato aqoonsiga wajiyada qaar ka mid ah marxuuminta sababo la xidhiidha dhaawacyada soo gaadhay.
Ciidanka Nabadgalyadda Wadooyinka iyo Laamaha ammaanka iyo ayaa bilaabay baadhitaan rasmi ah si loo ogaado sababta keentay shilkan murugada leh.






