https://www.premierbank.so/

Sawiro lagu daadiyay Gobolka BAY, laguna raadinayo nin Maraykan ah

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Diinsoor ee gobolka Baay ee Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in xilli danbe oo habeenimadii Jimcahaa ee 14 Febarwari ah lagu daadiyey gudaha magaaladaasi Waraaqo ay ku qoran yihiin qoraalo lagu raadinayo nin u dhashay dalka Maraykanka oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Waraaqaha ay bulshada Diinsoor ku waabariisteen subaxnimadi hore ee Sabtida 15 Febarwari ayaa lagu sheegay in ninkaasi oo u dhashay dalka maraykanka kana tirsan Al-shabaab qofkii xog ka haya halka uu ku sugan yihiin la siinayo lacag dhan 5 Milayn oo Dollar loona ballanqaadayo in aan xogtiisa la faafin sida ku qornayd waraaqaha oo aan ilaa hadda la garanayn cidda ku daadisay magaalada.

Waraaqahan ayaa lagu sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Jehad Serwan Mustafa uu Maraykanku ku doonayo madaxiisa lacag dhan 5 Milyan oo dollar madaama oo uu yahay sarkaal darajo sare uga diiwaangashan Al-shabaab muhiimna u ah. Maamulka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay,Kan Koofur Galbeed iyo Dowladda Soomaaliya midkoodna wali kama hadlin Warqadaan Xalay lagu daadiyay gudaha Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

https://www.premierbank.so/