https://www.premierbank.so/

QM oo ka walaacsan xaalada Tigray-Itoobiya

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto soo laba-kaclaynta xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka Itoobiya iyo kooxaha Tigray-ga, iyadoo Xoghayaha Guud Antonio Guterres uu muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan colaadda soo kordhaysa ee gobolka Tigray.

Guterres ayaa ka digay in xaaladda amni ee sii xumaanaysa ay khatar geliso shacabka rayidka ah, isla markaana ay dib u hurin karto dagaalkii hore ee gobolka. QM waxay sheegtay in Tigray ay ku qaadan karto sanado badan in ay ka soo kabato dagaalkii laba sano qaatay, kaas oo sababay dhimashada boqollaal kun iyo barakaca malaayiin qof, inkastoo heshiis nabadeed la kala saxeexday 2022.