New York (CBATV) – Ciidamada Bilayska Soomaaliay ayaa xidhay qaybo ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxa aanay gaadiidka kala duwan ee magaalada oo ay ku jiraan kuwa dadweynuhu ka diideen in ay isticmaalaan jidadkaas.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka bilayska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in jidadka muqdisho loo xidhay sababo la xidhiidha Shirka iskaashiga Soomaaliya salaasada 1-da Oktober ka furmay Muqdisho, iyada oo shacabka gobalka Banaadirna ka codsatay in ay dulqaataaan inta uu shirkaasi socdo.
War qoraal taliye ku xigeenka bilayska Zakiye Xuseen ku faafisay barteeda Facebook, ayaa ay ku sheegtay in shacabka loo diyaariyay gaadiidka gurmadka Deg deg ah ee Ambulance oo shacabka loogu adeegi doono hadii ay timaado baahi deg deg ah.
Inta badan Xiliyadda Ay Magaalada muqdisho ka dhacayaan shirarka ay ka qeyb gelayaan madaxda shisheeyaha ah ama mararka ay Soomaaliay soo booqdaan madaxda caalamku waxaa sababo amniga la xidhiidha awgood loo xidhaa wadooyinka caasimada.
Ha’yadda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ayaa dalka Maraykanka ku eedaysay in uu dhayalsado dilka dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed.
Hay’adda Amnesty International ayaa war ay soo saartay aroornimadii hore ee salaasada 1-da October waxa ay ku sheegtay in baadhitaan ay samaysay ay ku ogaatay in saddex nin oo Soomaali rayida ah uu bishii saddexaad Maraykanku ku dilay weerar cirka ahaa oo uu la beegsaday. Dadkan oo uu Maraykanku u arkayey in ay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab ayaa ay hay’addu xaqiijisay in ay ahaayeen beeraley rayid ah, isla markaana aanay jirin wax xidhiidh ah oo ka dhexeeyey ururka Alshabaab.
Amnesty International waxa ay sheegtay in arrinta walaaca ku abuuraysaa ay tahay in inkasta oo taliska ciidamada Maraykanka ee Afria isla bishii shanaad lagu wargeliyey in ugu yaraan mid ka mid ah saddexda nin ee ay dileen la hubo in uu rayid ahaa, haddana in aanu wax tallaabo ah qaadin, xidhiidhna la samaynin dadkii ay ka dhinteen si ay baadhis ugu sameeyaan arrintan.
Amnesty waxa ay sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika oo magaciisa AFRICOM loo soo gaabiyaa uu weerarradan qaadayo isaga oo aan xog ka haynin cidda uu weerarkan cirka ku qaadayo.
Hay’adda xuquuqda aadanuhu waxa ay sheegtay in dilka saddexdan nin ee rayidka ahi ay tahay mid ka mid ah xaalado badan oo noocan oo kale ah oo ay ciidamada Maraykanku ku kacaan, si cadaawadi ku jirtana u burburiyaan bulshada Soomaalida iyaga oo ugu hoos dhuumanaya marmarsiinye ah la dagaallanka argagaxisada.
Hay’addu waxa ay dawladda Maraykanka ugu baaqaysaa in ay baadhis dhammaystiran oo daahfuran ka samayso dhammaan wararka sheegaya in ay jiraan dad rayid ah oo ku waxyeelloobay weerarrada ay qaaddo, kaddibna ay la xisaabtanto masuuliyiinta dembigaas iska leh, isla markaana magdhow siiso dadka waxyeelladu soo gaadhay iyo kuwa ka badbaaday labadaba.
Waxa kale oo ay Maraykanka u soo jeedisay in uu sameeyo hab ay dadka Soomaaliyeed kula soo xidhiidhi karaan si ay ugu soo dacwoodaan marka ay weerarrada milateri ee Maraykanku sababaan khasaare rayid ah.






