Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed oo soo gaabiyay dhoollatuskoodii milatari kadib amarka Trump
Seoul, 19 Agoosto 2026 โ Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ku heshiiyay in la soo gaabiyo, isla markaana la yareeyo qaybo ka mid ah dhoollatuska milatari oo ay wadajir ah u wadaan, kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu amray in la dhimo ka-qaybgalka ciidamada Maraykanka.
Dhoollatuska loo yaqaan Ulchi Freedom Shield (UFS) ayaa bilaabmay 17-ka Augst waxaana markii hore qorshuhu ahaa inuu socdo ilaa 27-ka Augost. Hase yeeshee, labada dhinac ayaa hadda goโaamiyay inuu soo dhammaado 21-ka Augost, taas oo muddada dhoollatuska ka dhigaysa shan maalmood halkii ay markii hore ka ahaan lahayd 11 maalmood.
Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in dhoollatuska iyo tababarrada tooska ah ee la xidhiidha si weyn loo yareeyay, iyadoo qaar ka mid ah hawlgalladii la qorsheeyay la joojiyay ama loogu beddelay tababarro ku salaysan matalaad kombiyuutar. Wasaaraddu waxay sheegtay in isbeddelladu ay ilaalinayaan ujeeddooyinka muhiimka ah ee tababarka iyo diyaar-garowga ciidamada.
Taliska Guud ee Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa isna xaqiijiyay in goโaanka lagu soo gaabiyay muddada dhoollatuska uu yimid kadib soo jeedin ka timid dhinaca Maraykanka. Waxa kale oo la isku raacay in la yareeyo qaar ka mid ah tababarrada ciidamada ee goobaha dagaalka.
Trump ayaa toddobaadkan sheegay inuu doonayo in si weyn loo yareeyo ka-qaybgalka Maraykanka ee dhoollatusyada, isagoo ku sababeeyay xidhiidhka uu la leeyahay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un. Waxa kale oo uu dhoollatusyada ku tilmaamay kuwo qaali ah oo fariin aan habboonayn u diraya Pyongyang.
Dhoollatuska UFS ayaa inta badan ah tababar talis iyo hawlgallo lagu tijaabiyo xaalado dagaal oo lagu matalo kombiyuutarro, iyadoo ujeeddadu tahay in labada ciidan ay u diyaar garoobaan khataraha amni ee ka iman kara Kuuriyada Waqooyi. Tababarrada noocan ah ayaa muddo dheer udub-dhexaad u ahaa iskaashiga difaaca ee Washington iyo Seoul.
Kuuriyada Waqooyi ayaa si adag uga hortimid dhoollatuska, iyadoo warbaahinta rasmiga ah ee Pyongyang ay ku eedaysay Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed inay kordhinayaan xiisadda gobolka. Pyongyang ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto waxa ay ku tilmaantay xaqa ay u leedahay is-difaaca.
Dhanka kale, Madaxweyne Trump ayaa horey u riixay in dib loo furo waddooyinka wada-hadalka Kuuriyada Waqooyi. Labada dal ayaa horey u yeeshay wada-hadallo heer madaxweyne ah intii u dhexeysay 2018 iyo 2019, inkastoo dadaalladaasi ay ugu dambayn istaageen kadib markii ay isku fahmi waayeen arrimaha hubka nukliyeerka iyo cunaqabateynta.
Isbeddelkan ayaa imanaya xilli amniga Bariga Aasiya uu weli yahay arrin muhiim ah oo caalami ah, gaar ahaan iyadoo Maraykanka iyo xulafadiisu ay isku dayayaan inay isku dheelli-tiraan diyaar-garowga milatari iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu yareynayo xiisadaha gobolka.
Somaliland iyo Geeska Afrika: Inkastoo go’aankan uu si toos ah u khuseeyo Bariga Aasiya, dhacdooyinka noocan ahi waxay muujinayaan sida isbeddellada siyaasadda amni ee quwadaha waaweyn ay u saameyn karaan mudnaanta istaraatiijiga ah ee Maraykanka iyo xulafadiisa. Somaliland oo ku taalla meel istaraatiiji ah oo ku dhow marinnada muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isbeddellada noocaas ahi waxay muhiim u yihiin fahamka jihada guud ee siyaasadaha amniga iyo iskaashiga caalamiga ah ee ku wajahan Geeska Afrika




