https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha Somaliland oo Davos kula kulmay Hoggaamiyeyaal Caalami ah, Kana Hadlay Maalgashi iyo Aqoonsi Caalami ah

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa Shirka Dhaqaalaha Adduunka ee Davos ku yeeshay kulammo heer sare ah oo uu la qaatay hoggaamiyeyaal caalami ah, oo uu hormuud u yahay Eric Trump, wiilka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isla markaana ka tirsan hoggaanka ganacsiga qoyska Trump.

Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashi dhaqaale iyo soo jiidashada maalgashi, iyadoo Madaxweynaha Somaliland uu soo bandhigay fursadaha ballaadhan ee dalka, gaar ahaan dekedda istiraatiijiga ah ee Berbera oo ku taalla mid ka mid ah marinada ganacsi ee ugu mashquulka badan dunida.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, iyadoo 1sraaiil bishii hore noqotay dalkii ugu horreeyay ee Qaramada Midoobay ka tirsan ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Reuters u xaqiijiyay in kulammadu si aad ah u guuleysteen, taasoo muujinaysa korodhka sumcadda iyo xiisaha caalamiga ah ee Somaliland—dal tan iyo 1991 ku caan baxay nabad, xasillooni iyo jihayn cad oo horumarineed.