https://www.premierbank.so/

Maamulka Trump ayaa xayiraad ku soo rogey shan dal oo kale

Maamulka Trump ee Mareykanka ayaa ballaadhiyay mamnuucidda safarka, isagoo ku daray shan dal oo kala ah Burkina Faso, Mali, Niger, Koonfur Suudaan iyo Suuriya. Go’aankan cusub wuxuu si weyn u adkaynayaa safarrada loo galo Mareykanka, waxaana lagu wadaa inuu dhaqan galo 1-da Janaayo ee soo socota.

Sidoo kale, xayiraado qayb ahaan ah ayaa lagu soo rogay 15 dal oo kale, oo ay ka mid yihiin Nigeria, Senegal, Ivory Coast iyo Tanzania, halka dukumiintiyada ay bixiso Hay’adda Falastiin si buuxda looga mamnuucay in lagu safro. Xayiraaduhu waxay quseeyaan booqdayaasha iyo dadka doonaya inay u guuraan Mareykanka.

Maamulka Mareykanka ayaa sheegay in tallaabadan ay salka ku hayso walaacyo amni, sida diiwaanno aan lagu kalsoonaan karin, ku xadgudubka fiisooyinka iyo xasilooni-darro ka jirta dalal qaar. Hase yeeshee, ururrada xuquuqda aadanaha iyo kuwa qaxootiga ayaa si adag u dhaliilay, iyagoo ku tilmaamay mid si caddaalad-darro ah u bartilmaameedsanayo muwaadiniin dalal gaar ah.

Dalal dhowr ah oo ay saameysay xayiraaddan ayaa sheegay inay la xidhiidhayaan dowladda Mareykanka si ay faahfaahin uga helaan, iyadoo muranka iyo diidmada siyaasaddan ay sii kordhayso.