Dillaaca Ebola ee Congo oo galaaftay nolosha in ka badan 3,000 qof
0 Comments
Dhimashada ka dhalatay dillaaca cudurka Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa gaadhay in ka badan saddex kun oo qof.
Xogta dowladda Congo ayaa sheegaysa in 3,007 qof ay dhinteen, halka tirada kiisaska la xaqiijiyey ay gaadhtay 6,186.
Dillaacan oo uu sababay nooca Bundibugyo ee fayraska Ebola ayaa si rasmi ah looga dhawaaqay gobolka Ituri 15-kii May, waxaana uu tan iyo markaas ku fiday lix gobol oo dalka ah.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay qiyaastay in ku dhowaad 60 boqolkiiba dhimashooyinka ay ka dhacaan meelo ka baxsan xarumaha daaweynta.
Dhinaca kale Maamulka Congo ayaa bilaabay tallaalka shaqaalaha caafimaadka, iyadoo dadaallo kale oo lagu doonayo in lagu xakameeyo faafitaanka cudurkanina ay socdaa.






