Askar ka tirsan dalka Masar ayaa lagu arkay xarunta taliska milatariga Israa’iil ee Kiryat Gat, oo ku taalla koonfurta magaalada Tel Aviv — arrin dhalisay hadal-heyn siyaasadeed iyo mid amni.
Joogitaanka ciidamadda Masar ayaa soo shaac baxay kaddib markii Ciidanka Mareykanka ay daabaceen sawirro laga qaaday gudaha xarunta taliska Kiryat Gat, kuwaas oo muujinayay askar Masar ah oo ku sugan halkaas. Si kastaba ha ahaatee, sawirrada iyo muuqaalladaasi ayaa si degdeg ah loo tirtiray.
Telefishinka dowladda Israa’iil ee Channel 11 ayaa sheegay in tirtiridda sawirrada iyo muuqaallada ay timid codsi rasmi ah oo ka yimid Masar, maadaama ay caddeyn u noqdeen joogitaanka ciidamo Masaari ah oo ku sugan gudaha dhulka Israa’iil — arrin xasaasi ah marka loo eego aragtida siyaasadda gudaha Masar.
Inkasta oo ay muuqdaan khilaafaad siyaasadeed oo mararka qaar ka dhex taagan Qaahira iyo Tel Aviv, gaar ahaan la xidhiidha dagaalka Qaza iyo aqoonsiga Somaliland, haddana warbixintu waxay muujinaysaa in labada dal ay weli sii wadaan iskaashi milatari iyo mid amni oo dhow, kaas oo inta badan aan si fagaare ah loo shaacin.
Arrintan ayaa mar kale iftiiminaysa farqiga u dhexeeya hadallada siyaasadeed ee bannaanka iyo wada-shaqeynta amni ee ka jirta gudaha.






