https://www.premierbank.so/

AFRICOM: Duqeymaha Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya oo si weyn u kordhay

Ciidamadda AFRICOM ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka fulisay 124 duqeyn sannadkii hore, halka bilowga 2026 oo keliya ay dhaceen 26 weerar, taas oo muujinaysa kororka hawlgallada milatari.

AFRICOM waxay caddeysay in duqeymaha laga fulinayo gudaha Somalia ay yihiin tallaabooyin is-difaac ah, ujeeddaduna tahay in laga hortago weerarro argagixiso oo lagu beegsado United States iyo Yurub. Taliska ayaa tilmaamay in khatartu inta badan ka timaaddo kooxaha xagjir ah iyo al Qaaciida, kuwaas oo awood u leh qorsheynta weerarro gudaha iyo dibaddaba.