๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐-๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ ๐๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐ ๐๐๐ฒโ๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐ซ๐๐ฆ๐๐๐ ๐๐ข๐๐จ๐จ๐๐๐ฒ ๐๐ ๐ค๐ ๐ก๐๐ฐ๐ฅ-๐ ๐๐ฅ๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxda Sare ee Hayโadaha kala duwan ee Qaramada Midoobay (UN) ee ka hawl-gala Jamhuuriyadda Somaliland, sida (Madaxa UN Coordination Office, UNICEF, WFP, UNOCHA, UNFPA, UNRCO), kuwaasi oo Booqasho Sharafeed ugu yimid Madaxweyne ku-xigeenka JSL.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa Madaxda Hayโadaha UN-ta uga mahad naqay booqashada ay ugu yimaadeen, isaga oo ku bogaadiyey doorka muuqda iyo waxqabadka ay Hayโadaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan Somaliland, gaar ahaan arrimaha biniโaadannimada, horumarka bulshada, iyo dhismaha kaabeyaasha Dawladnimada. Waxa uu xusay in iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hayโadaha UN-ta uu yahay mid ku dhisan kalsooni iyo wada-shaqayn soo jireen ah.
Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu Madaxda Sare ee Hayโadaha UN-ta Somaliland si gaar ah ugala hadlay Xaaladda Abaaraha baโan ee ka jira dhammaan Gobollada dalka, kuwaasi oo saameyn weyn ku yeeshay nolosha bulshada, gaar ahaan nolol-maalmeedka dadka reer miyiga ah iyo xoolo-dhaqatada, kuwaasi oo haatan noloshoodu ku jirto halis weyn.
Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu carrabka ku adkeeyey in abaaruhu ay sababeen biyo-yari, cunto-laโaan, bara-kac weyn iyo khasaare baaxad leh oo soo gaadhay xoolaha nool oo ah laf-dhabarta uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha dalka Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa Hayโadaha Qaramada Midoobay ugu baaqay in ay door firfircoon ka qaataan Gurmadka abaaraha, isla markaana ay diyaariyaan gargaar biniโaadannimo oo degdeg ah, sida cunto, biyo nadiif ah, daawooyin, adeegyo caafimaad, iyo calafka xoolaha, si wax looga qabto dhibaatada maalin walba sii kordhaysa ee haysata dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu xusay in Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay in ay Hayโadaha UN-ta la yeelato wada-shaqayn buuxda iyo tallaabo kasta oo lagu dardar-gelinayo gaadhsiinta gargaarka, isaga oo adkeeyey in wax-ka-qabashada abaaruhu ay tahay masโuuliyad wadareed u baahan jawaab degdeg ah iyo isku-dubbarid qorshaysan oo lagu xoojinayo Gurmadka Abaaraha.
Iyaguna dhankooda, Madaxda Sare ee Hayโadaha UN-ta oo uu hoggaaminayey Madaxa Xafiiska Isku-dubba-ridka Qaramada Midoobay ee Somaliland, Mudane Tedla Damte ayaa Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Xukuumaddiisa ku bogaadiyey ka shaqaynta nabadda, xallinta khilaafaadka iyo Qaramaynta Ciidamadii Madaniga ahaa ee tirada badnaa, taasi oo wax badan ka tartay amniga iyo xasilloonida dalka.
Mudane Tedla Damte waxa uu xusay in kasta oo Xaaladda Dhaqaale ee Dunidu aanay haatan wanaagsanayn, hawlihii Qaramada Midoobayna ay hoos-u-dhac weyni ku yimaadeen, haddana in Qaramada Midoobay ay Xukuumadda iyo Shacabka Somaliland ula shaqayn doonto sidii ay awalba ula shaqayn jirtay, isla markaana ay sii wadi doonto hawlaha gargaarka baniโaadannimada iyo horumarinta bulshada, hadba intii karaankeeda ah.
Xagga Gurmadka Abaaraha, Mudane Tedla Damte waxa uu sheegay in Hayโadaha UN-ta ee ka hawl gala Somaliland ay ka qayb qaadan doonaan gargaarka abaaraha intii itaalkooda ah.
Gabagabadii, Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale caddeeyey sida ay Dawladda Somaliland uga goโan tahay sii xoojinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga kala duwan ee ay la leedahay Hayโadaha Qaramada Midoobay ee ka hawl-gala Jamhuuriyadda Somaliland.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






