https://www.premierbank.so/

Warbaahinta Masar & kuwa caalamka oo ka hadashay doorka ciidamada masar u dirayso Soomaaliya

Warbaahinta Masar iyo kuwa Carabta ayaa ka hadlay ciidamada Masar u dirayso Soomaaliya, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay wararka sheegaya suuragalnimada saldhig ciidan oo Masar ka samaysato Geeska Afrika.

Wargeyska El-Manshar ayaa shalay qoray in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay soo dhaweeyeen imaatinka ciidamada Masar oo qayb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

War kale oo isla mareegtaas kasoo baxay ayaa lagu sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Masar ay ka degeen gobolka Gedo ee Soomaaliya, taas oo lagu tilmaamay “tallaabooyinkii ugu horreeyay” ee aasaaska saldhig ciidan.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa sidoo kale way wax ka qoreen arintan. Wargeyska The National ee fadhigiisu yahay Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Masar ay xoojinayso joogitaankeeda ciidan ee Soomaaliya. Warbixinta ayaa sheegtay in Qaahira ay dirayso tababarayaal ciidan, la-taliyeyaal iyo cutubyo la dagaallama argagixisada si ay gacan uga geystaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in ciidamadan laga leeyahay laba ujeeddo: Ta koowaad oo ah mid amni iyo ta labaad oo ah xeelad siyaasadeed oo lagu ballaadhinayo saameynta Masar ee Geeska Afrika.
Dhanka kale, Warbaahinta Reuters ayaa mar sii horeysay qortay in Masar ay durba bilowday dirista hub loogu talagalay Soomaaliya kadib heshiis amni oo sanadkii hore ahaa. Talaabadan ayaa loo arkay qayb ka mid ah istaraatiijiyadda Qaahira ee lagu wajahayo Ethiopia oo xoojinaysa xidhiidhkeeda Somaliland—arrin ay Masar u aragto hanjabaad toos ah oo lid ku ah danaha ay ka leedahay Webiga Nile.
Gebogabadii, wararka warbaahinta Masar waxay muujinayaan doorka Qaahira ee Soomaaliya sidii ay uga qayb uga noqonlahayd dadaalada nabad ilaalinta Soomaaliya isla markaana lagu buuxinayo kaalinta qaybo kamida ciidamada Afrikaanka ee ka baxaya Soomaaliya. Hase yeeshee, waxay sidoo kale isku xidhayaan dagaalka siyaasadeed ee ballaadhan ee ay Masar la leedahay Itoobiya, gaar ahaan arrimaha webiga Nile iyo tartanka saameynta gobolka.