https://www.premierbank.so/

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Awaamiir Cusub Ku Soo Rogay Saraakiisa iyo Ciidamada Booliska

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Awaamiir Cusub Ku Soo Rogay Saraakiisa iyo Ciidamada Booliska

War Qoraal Oo ka soo baxay taliska ciidamada booliska soomaaliya ayaa awaamiir cusub lagu faray saraakiisa iyo ciimada booliska ee howlgalada ku jira.

Qoraalkaan Oo Uu Ku Saxiixanyahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Maxamed Xasan Xijaar ayaa Lagu faray dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliya in ay ku Ekaadaan shaqadooda oo ah sugidda amniga muwaadiniinta iyo hantidooda.Taliye Xijaar Ayaa Sidoo Kalana Ciidamada Ku Booriyay Ciidamada Booliska in ay si fiicanna ay ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Amarkaan Cusub Ee Uu Soo Saaray taliyaha ciidamada booliska soomaaliya ayaa ku soo aadaya Xili Ciidamaddo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya Oo Kala Taabacsan Mucaaardka Iyo Dowladu Ay Ku Dagaalameen Magaalada Muqdisho

12-kii Bishii Dhamaatay Ee Abriil Ayay Aheed Markii Talihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan Saadaq Joon Uu Ka Soo Horjeestay Muddo Kordhintii Baarlamaanka Soomaaliya Ay U Sameeyeen Hay’addaha Dowladda Fadaraalka Ah Ee Soomaaliya Taas Oo Markii Dambana Keentay In Laga Xayuubiyo Dhamaan Darajooyinkii Uu Ciidanka Kulahaa Lagana Joojiyo Xuquuqaadkii Uu Ciidanka Ka Qaadan Jiray
Dhinaca kale waxaa Muqdisho ka Socda Dadaalo Xeryahooda Dib Loogu Celinayo Ciidamadii Dhawaan Ku Dhax Dagaalamay Magaalada Muqdisho

https://www.premierbank.so/