https://www.premierbank.so/

Xukuumadda Ethiopia Oo talaabo Ka Qaaday shirkaddo Shacabka Ku Qaaliyeeyay Maciishada

25 shirkadood oo ah ganacsatada waawayn oo ku kala yaala Addis-ababa, Adama iyo Sabeta oo ku hawlana sicir bararka maciishada ayaa talaabo laga qaaday.
Ganacsato waawayn oo dooneysay inay maciishada bulshada ku iibiyaan qiimo sare oo aan macquul ahayn ayay talaabo ka qaadeen hay’adaha Sirdoonka dalka, Policeka Addis ababa Iyo kuwa oromiya.
Hadaba gudidan isku dhafan ayaa baaritaan wada jir ah oo ay la sameeyeen Magaalada Addis-ababa, iyo Deegaanka Oromiya oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ay wadeen howl gallo xog-ogaalnimo iyo dabagal ah oo lagula dagaalamayo ganacsatada abuurta sicir bararka iyo wax isdaba marinta dhaqaalaha. Sidaa awgeed, waxa tallaabo laga qaaday 25 shirkadood oo laga helay Addis Ababa, Sebeta, Adama.
Hadaba ganacsatadan ayaa ku hawlanayd si ay u kaydiyaan maciishada islamarkaana bulshada uga dhaadhicayaan in ay jirto raashin yari iyagoo ku qarinaya raashimada kala duwan goobo bakhaaro ah iyo guryaha caadiga ah raashimadan oo isugu saliida cuntada, sonkorta, daqiiqda, bariis, digirta.
Raashimada lahelay ayaa kala ah in ka badan 912,000 oo litir oo saliid ah, in ka badan 45,000 oo kiintaal oo sonkor ah, in ka badan 49,500 kiintaal oo bariis ah, in ka badan 3,449 kiintaal oo bur ah, 11,000 oo kintaal oo digir ah, 4,700 kuntaal, 2000 oo digirta noocyadeeda kala duwan ah.
Dawlada federaalka ayaa ku baaqday in ay sii wadaan gudidani isku dhafan shaqadan wanaagsan ee la qabtay siina xoojiyaan soo qabashada cid kasta oo ku hawlan barnaamijkan kasoo horjeeda noolaanshaha bulshada iyo inay dadku ku helaan qutul daruuriga qiimo macquul ah.
https://www.premierbank.so/