https://www.premierbank.so/

Qarax lala eegtay Ciidanka Soomaaliya ee Muqdisho

Wararka naga soo gaadhaya degmada Dharkeenley ee gobolka Banadir ayaa waxay sheegayaan in qarax lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dawladda fadaraalka ah ee Soomaaliya oo halkaasi marayay.

 

Qaraxan oo ahaa Miinada nooca dhulka hoostiisa lagu aaso ayaa waxa la sheegay in ciidamada lala eegtay wakhti ay marayeen Waddada xoosh ee degmada Dharkeynley, waxaana Qaraxaasi ku geeriyooday inta la xaqiijiyey Saddex askari oo ka tirsan ciidamada Somaliya,halka kuwo kalena dhaawacyo kasoo gaadheen .

 

Dhinaca kalena koooxda Al-shabaab oo war qoraal ah oo ay ku faafisay warbaahinta ku hadasha afkooda waxay ku sheegteen masuuliyadda Qaraxaas,halkaas ay ku dileen saddex askari oo ciidamada dawlada ka tirsan.

Dhankooda maamulka gobolka Banaadir iyo taliska ciidanka qaranka Somaliya midkoodna wax wara kama ay soo saarin Qaraxan lala eegtay ciidamada ka tirsan dawladda Somaliya.

 

https://www.premierbank.so/