Maamul Kilalka 5aad oo ka hadlay dhalinyarada rabshadaha sameeya ee deegaanka
Madaxa ka hortaga dambiyada ee ciidanka Bilayska dawlad Gobalka Soomaalida, Gaashaanle Sare Deeq Carab Ibraahim ayaa sheegay in caasimadda Jigjiga ay dib ugu soo noqotay xaaladdii ammaanka, xasiloonida iyo kala dambaynta ee caadiga ahayd.
Gaashaanle Sare Deeq oo ka hadlayey hawlgallo ay ciidamada ammaanku maalmihii u dambeeyey wax kaga qabanayey dhalinyaro kooxaysi iyo shuftanimo ka dhex wadday xaafadaha magaalada, ayaa sheegay wacad ku maray in aan hawlgalladan la hakin doonin inta la ogyahay dhalinyaro bannaanka joogta oo ka mid ahayd kooxaha rabshadaha iyo khalkhalka ku hayey magaalada, waxa aanu bulshada ka codsaday in ay ciidamada bilayska ka caawiyaan soo qabashada cid kasta oo amni darro ka wadda magaalada iyo guud ahaan deegaanka Soomaalida.
Dhinaca kalana Gaashaanle-sare Deeq waxa uu ka jawaabay eedaha sheegaya in ay jiraan cid ciidamadu si gaar ah ula bartilmaameedsadeen xadhiga ay ku soo qab-qabteen 480 dhalinyaro ah oo lagu eedaynayo dembiyo Khalkhal gelinta amniga dadweynaha ah, isaga oo sheegay in aanay waxba ka jirin cid gaar ah oo la beegsaday, balse dhalinyarada la xidhay ay yihiin kuwo hore ugu diiwaangashanaa bilayska oo dacwadahoodu ku soo noqnoqdeen.
Gaashaanle-sare Deeq oo bilayska ka difaacayey eedda ah in cid gaar ah la bartilmaameedsaday waxa uu sheegay in dhalinyarada la xidhay ay xitaa ka mid yihiin kuwo ay dhaleen wasiirro, culimada dalka, iyo dad xilal kala duwan ka haya dawladda deegaanka Soomaalida.
Hawlgalka magaalada Jigjiga oo dhalinyarada lagu qab-qabtay loo gudbiyey xabsiga magaalada Goday ayaa ka dhashay shir lagaga arrinsanayey arrimaha ammaanka Jigjiga oo dhowaan ay yeesheen guddiga nabadgelyada iyo cadaaladda ee dawladda deegaanka.






