https://www.premierbank.so/

Maamul Kilalka 5aad oo ka hadlay dhalinyarada rabshadaha sameeya ee deegaanka

Madaxa ka hortaga
dambiyada ee ciidanka Bilayska dawlad Gobalka Soomaalida, Gaashaanle Sare Deeq
Carab Ibraahim ayaa sheegay in caasimadda Jigjiga ay dib ugu soo noqotay  xaaladdii ammaanka, xasiloonida iyo kala
dambaynta ee caadiga ahayd.

Gaashaanle Sare Deeq oo
ka hadlayey hawlgallo ay ciidamada ammaanku maalmihii u dambeeyey wax kaga
qabanayey dhalinyaro kooxaysi iyo shuftanimo ka dhex wadday xaafadaha
magaalada, ayaa sheegay wacad ku maray in aan hawlgalladan la hakin doonin inta
la ogyahay dhalinyaro bannaanka joogta oo ka mid ahayd kooxaha rabshadaha iyo
khalkhalka ku hayey magaalada, waxa aanu bulshada ka codsaday in ay ciidamada
bilayska ka caawiyaan soo qabashada cid kasta oo amni darro ka wadda magaalada
iyo guud ahaan deegaanka Soomaalida.

Dhinaca kalana
Gaashaanle-sare Deeq waxa uu ka jawaabay eedaha sheegaya in ay jiraan cid
ciidamadu si gaar ah ula bartilmaameedsadeen xadhiga ay ku soo qab-qabteen 480
dhalinyaro ah oo lagu eedaynayo dembiyo Khalkhal gelinta amniga dadweynaha ah,
isaga oo sheegay in aanay waxba ka jirin cid gaar ah oo la beegsaday, balse
dhalinyarada la xidhay ay yihiin kuwo hore ugu diiwaangashanaa bilayska oo
dacwadahoodu ku soo noqnoqdeen.

Gaashaanle-sare Deeq oo
bilayska ka difaacayey eedda ah in cid gaar ah la bartilmaameedsaday waxa uu
sheegay in dhalinyarada la xidhay ay xitaa ka mid yihiin kuwo ay dhaleen
wasiirro, culimada dalka, iyo dad xilal kala duwan ka haya dawladda deegaanka
Soomaalida.

Hawlgalka
magaalada Jigjiga oo dhalinyarada lagu qab-qabtay loo gudbiyey xabsiga
magaalada Goday ayaa ka dhashay shir lagaga arrinsanayey arrimaha ammaanka
Jigjiga oo dhowaan ay yeesheen guddiga nabadgelyada iyo cadaaladda ee dawladda
deegaanka.

https://www.premierbank.so/