https://www.premierbank.so/

Dr Ciise Kayd “Somaliland oo sheegtay In Dawlada Somaliya ay ka dacwayn doonto Maxkamada Cadaalada aduunka ee ICJ”

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay dacwada madax bannaanida Somaliland u gudbinagso maxkamadaha caalamka.
Wasiirka ayaa sheegay qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland ay leedahay kiis ka adag kii Kosovo ay ku baxday, waxaanu tilmaamay in ay dowlada Soomaaliya ka dacwaynayaan, maxkamadaha waawayn ee caalamka waxaanu yidhi. “Somaliland waxay leedahay kiis ka adag kii Kosovo ay ku baxday, waxaynu u baahanahay in aynu dowlada Soomaaliya gayno maxkamad kasta oo adduun ka ah”.
Wasiirka ayaa xusay in maxkamadaha Afrika, ICJ iyo Carabta ay gaynayaan dooda Somaliland, si ay uga garnaqaan dacwadan oo uu sheegay in ay tahay mid sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba adag. Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale horay u sheegtay in ay dooda qadiyada madax bannaanida Somaliland u gudbinayso baarlamaanada dowladaha caalamka.
Wasaaradda arrimaha dibada ayaa bishii hore ee sannadkan isugu yeedhay wakiillada Somaliland ee dibada, iyadoo sheegtay in dib loo qaabaynayo ollolaha ictiraaf raadinta. Wasiirka ayaa ka hadlayay manaasibad casho ah oo waftiga Somaliland la yeesheen qurba joogta reer Somaliland ee ku dhaqan cariga Maraykanka.
https://www.premierbank.so/