Cutubyo ka tirsan Qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka ee Somaaliya ayaa sabtida 5-ta Sabtembar howlgal kula wareegay degmada Camaara ee gobolka Mudug halkaas oo ka mid ahayd deegaannada uu ururka Alshabaab maamulo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in jidadka magaalada lagu arkayo gaadiidka ciidamada dawladda. Taliyaha qaybta 21-aad Janaraal ‘Qooje’ oo markii ay ciidamadu la wareegeen gacan ku haynta Camaara, la hadlay Shacabka degmada ayaa sheegey in ciidamadu ay hore ugu sii socon doonaan deegaannada kale ee weli Alshabaab ka taliso, iyada oo uu Qorshuhuna yahay in la gaadho dhamaanba deeganada kale ee Galmudug ee ay Alshabaab weli gacanta ku hayso.
Laakiin saraakiisha dawladdu ma’ay sheegin in iska hor imaad ciidan ay kula wareegeen degmada iyo in Alshabaab ay iskaga baxday. Ururka Alshabaab ayaan isaguna illaa hadda wax war ah ka soo saarin degmada laga qabsaday.