Shir ay magaalada
Muqdisho ku yeesheen madaxda AMISOM iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobey
ee Soomaaliya oo magaciisa loo soo gaabiyo UNSOS, ayaa lagaga hadlay samaynta qorshe-hawleed
dhammaystiran oo lagu hago hawlaha
AMISOM ee muddada u dhexeysa 2019 ka illaa 2021 ka, iyo qorshihii hawlgeed ee
muddada kala guurka.
War ka soo baxay AMISOM
ayaa lagu sheegay in shirkan sida oo kale diiradda lagu saaray waxyaabaha ugu
muhiimsan ee ay tahay in la dhammaystiro muddada kala guurka, ee ka horreysa
waqtiga la filayo in AMISOM ay Soomaaliya ku wareejiso ammaanka sannadka
2021-ka.
Shirkan Waxaa goob Joog
Ka Ahaa Saraakiil Ka Socotay Xarunta Midawga Afrika ee Addis Ababa, Wakiilo Ka
Kala Socda Dalalka Ciidamadu ka joogaan Sooomaaliya, Saraakiisha Sare ee
qaybaha kala duwan ee ciidamada AMISOM iyo bulshada rayidka ah.
Ergeyga Midowga Afrika
ee Faransisko Mandeera oo sida oo kale ah madaxa hawlgalka AMISOM ayaa shirka
ka sheegay muhiimadda uu leeyahay waqtiga uu ku soo beegmay oo ah xilli ay si
joogto ah u socdaan hawlgallo muhiim ah oo ay ciidamada AMISOM ku qadayaan
ururka Alshabaab.
madaxa
xafiiska taageerada soomaaliya ee Qaramada Midoobay Liisa Filobeto oo ka
hadashay kulan ayaa dhankeeda waxa ay amaantay dooorka ay amisom ka ciyaartay
xasilinta soomaaliya