https://www.premierbank.so/

Xukuumadda Somaliland oo dhaliilo ujeedisay xisbiyada mucaaradka ah

Xukuumadda Somaliland ayaa xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ku dhaliishay inay ka  gabsadeen baaqyo ay u direen oo la xidhiidha inay dhankooda ka qayb qaataan dagaalka iyo xakamaynta lagula jiro xanuunka Coronavirus oo si xawli ah ugu faafaya Somaliland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland mudane Mahdi Cismaan Buuri ayaa sheegay in ilaa hadda labada xisbi mucaarad aanay wax qalab caafimaad ah soo gaadhsiin wasaaradda,taas badalkeedana ay dhaliilo usoo jeediyaan wasaaradooda.

Dhinaca kalena wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland waxa uu waxba kam ajiraan ku tilmaamay dhaliilo xisbiga WADDANI dhawaan ku sheegay in gobolka Awdal aanu lahayn hal Ambalaas. Waxaana uu xusay wasiirku in badiba degmooyinka gobolku ay leeyihiin ambalaasyo diyaar ku ah cusbitaalada.

Waxaana uu wasiir ku xigeenka gudoomiyayaasha labada xisbi mucaarad kula kaftamay hadalo duur xull ah oo dadku siyaabo kala duwan u fasirteen.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaakda Somaliland ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad masuuliyiinta xukuumadda ka tirsan ay xadhiga kaga jarayeen xarun caafimaad oo laga hirgalyey deegaanka Ina cunaaye ee gobolka Hawd.

https://www.premierbank.so/