https://www.premierbank.so/

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in 16 qof oo cusub laga helay xanuunka Coronavirus

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland oo soo bandhigayay warbixintii maalinlaha ahayd ee wasaaradda ayaa sheegay in 16 qof oo iskugu jira rag iyo dumar dhamaantood ay ku sugan yihiin magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Agaasimaha guud waxa uu sheegay in 15 kamid ah dadkaasi in ay yihiin muwaadiniin halka qof kalena uu dhalasho ahaan kasoo jeedo dalka Itoobiya. Waxaana tirada guud ay Somaliland noqonaysaa 103 qof.

Dr Xargeeye waxa uu sidoo kalena sheegay in dhimashadu ay tahay 8 qof, cid 24-kii saacadood ee u danbeeyey u geeriyootay xanuunkuna aanay jirin.

Somaliland ayaa maalmihii u danbeeyey si xawli ah uu ugu faafayaa xanuunka Coronavirus. Waxaana xusid mudan in aanay wali sidii la rabay bulshadu qaadan wacyigalintii guddiga ee lagaga hortagayay faafitaanka xanuunka.

suuqyada magaalooyinka waa wayn ayaa wali sidoodii u camiran, iyada oo maalmo kooban ay inaga hadhsan yihiin maalinta Ciidda.

https://www.premierbank.so/