Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo Dhaqan-galisay Siyaasadda Dal-ku-galka Furan (Visa on Arrival)
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu caddeeyey in la dhaqan-geliyey, isla markaana la sii xoojiyey siyaasadda dal-ku-galka furan (Visa on Arrival). Siyaasadani waxay u saamaxaysaa dhammaan dadka u safraya Somaliland in ay dal-ku-galka ku qaataan Madaarka Cigaal ee Hargeysa iyo madaarrada kale ee dalka.
Ujeeddada siyaasaddan ayaa ah in la fududeeyo safarrada ganacsiga, dalxiiska, arrimaha bini’aadminimada, iyo in kor loo qaado koboca dhaqaalaha Somaliland.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka waxa lagu xusay in aan Somaliland lagu soo geli karin dal-ku-gal (visa) ama oggolaansho ka soo baxday meel ka baxsan Hay’adaha Socdaalka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu dambayn, dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee ka hawlgala Somaliland ayaa lagu wargeliyey inay siyaasaddan si buuxda ugu gudbiyaan xafiisyadooda (stations) iyo rakaabka u safraya Somaliland.






