https://www.premierbank.so/

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Ee Somaliland mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in wakhtigan aanay muuqan guul loo dabaal daggo

oo kasoo hoyatay wada hadaladii Somaliland iyo Somalia uga furmay dalka Jabuuti 14-kii bishan Juune.

Xoghayaha WADDANI ayaa Sidoo kalena sheegay in aanay jirin sabab loo xamaasad galiyo shacabka Somaliland looguna soo saaro wax uu ugu yeedhay guul gacan ku rimis ah iyada oo lagu jiro wakhti adag oo sababay in xitaa aan la tukan salaaddii Ciida xanuunka COVID19 awgii.

Xoghaye Khadar Looge ayaa qoraal kooban  oo uu Salaasadda maanta ku baahiyey bartiisa Facebook-ga intaasi ku daray in xukuumadda Somaliland looga baahan yahay inay xaq-dhawrto go’aamadii ay soo saartay ee lagu joojinayay isku imaantiga bulshada. Go’aamadaas oo ku tilmaamay kuwo hooyooyin badan ku shaqo beeleen kuna gaajoonayaan wakhtigan sida uu hadalkiisa u dhigay.

Dhinaca kalena mudane Looge waxa uu taageray khudbadii madaxwaynaha Somaliland ka jeediyey madashii furitaanka shirka wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo uu ku tilmaamay mid fiican oo lamid ah kuwii hore looga jeedin jirey fagaarayaasha.

Ugu danbayan Xoghayaha Waddani waxa uu sheegay in wada hadalada noocan oo kale ah ay qaataan wakhti badan,una baahan yihiin qorshe dheer,taas badalkeedana la wada sugayo natiijada iyo heshiisyada kasoo baxa wada hadaladaasi Somaliland iyo Somaliya uga furmay Jabuuti.

Hadalkan kasoo yeedhay xoghayaha guud ee WADANI ayaa kusoo beegmaya xilli Dhamaanba gobolada Somaliland ay ka socdaan abaabulka iyo qaban-qaabada dibadbaxyo ay dhigayaan shacabka Somaliland oo lagu taageerayo khudbadii madaxwaynaha Somaliland ka jeediyey fagaarihii wada hadalka Somaliland iyo Somaliya. Waxaana xusid mudan in gobolada qaar ay maanta ka dhaceen dibadbaxyadaasi sida Burco, Caynaba iyo Laascaanood.

Ma jiro natiijo kasoo baxday wada hadalada Somaliland iyo Somaliya marka laga reebo war-murtiyeed dhawr qodob ka kooban oo kasoo baxay shirkaasi furitaankiisi. Kuwaas oo ay ugu muhiimsanaayeen in aan la siyaasadayn gargaarka iyo deeqaha caawimo iyo waliba in xarunta wada hadaladu ay noqoto magaalada Jabuuti.

 

 

https://www.premierbank.so/