Xisbiga Waddani oo Wasaaradda Ciyaaraha ku eedeeyey Musuqmaasuq
Xisbiga Waddani Ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa masuuliyinta Wasaaradda Dhaliyarda Iyo Ciyaaraha Ku eedeyey in ay Musuq-Masuuqeen lacag gaadhaysa nus milyan doolar oo ka mid ah lacagta miisaaniyadda qaranka ugu jirta ee afartii biloodba mar xisaabaadku u sii daayo. Lacagtaas oo uu sheegay in loogu talagalay horumarinta waaaxda ciyaaraha ee wasaaradda, ayaa uu xisbigu masuuliyiinta masuuliyiinta wasaaradda ku eedeeyey in ay ku takri faleen.
Xoghayaha Dhaliyaradda
Iyo Ciyaaraha Xisbiga ee Waddani, Mudane Yoonis Axmed Yoonis Oo Khamiista 3-da
Oktobar Warbaahint Kula Hadlay Xarunta Xisbiga ayaa Soo Bandhigay dhukumantiyo
uu sheegay in ay yihiin caddaymo iyo daraasado kala duwan
oo ay ka Samayeen Lacagaha Badan Ee uu sheegay in Ay Lunsadeen Masuuliyinta
Wasaaradda Ciyaaruhu.
Mudane Yoonis waxa kale
oo uu xusay in afar tartan ciyaareed oo ay wasaaraddu qabatay aanay wax kharash
ah ku bixin, balse dhammaantood ay ganacsato iyo dad muwaadiniin ahi
maalgeliyeen. Isaga oo intaas ku daray in habacsanaan badani ay ka jirto
shaqadii wasaaradda, gaabiska muuqdana ay ka mid tahay in muddo afar sano ah ay
awoodi kari la’dahay in ay qabato koobkii ciyaaraha goballada.
Mudane
Yoonis waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in uu si degdeg ah wax
uga qabto musuqmaasu uu sheegay in ay ku kacayaan masuuliyiinta wasaaradda
ciyaaruhu.