https://www.premierbank.so/

Xisbiga WADDANI oo Madaxweynaha ugu Baaqay inuu Shacabka Cafis weydiisto

Xisbiga WADDANI ee Somaliland ayaa madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in uu goob fagaare ah cafis kaga dalbado shacabka iyo dalka Somaliland labadaba madaama oo uu ku talaabsaday qodobo burinaya dastuurka dalka iyo masiirka umadda labadaba.

Afhayeenka xisbiga WADDANI garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay In muddo laba sannno ah oo uu xilka hayay madaxwayne Biixi uu madal kaste ka duri jirey madaxwaynaha Somaliya,labadii cisho ee u danbeyey ee ay taagnayd hadal haynta qaddiyada kulankooddii Addis-ababa iyo imaanshiyaha Farmaajo ee Hargeysana shacabka Somaliland ay baafinayaan madaxwayne Biixi,taas badalkedeana madaama oo dastuurka dalku uu masuuliyada koowaad siinayo madaxwaynaha iyo xukuumaddisa aanay jirin sabab bulshada loogu jeediyo dawladda Itoobiya iyo raysal-wasaare Abbiy Ahmed midkoodna sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeen Barkhad Batun oo Isniinta 17 Feebarwari warbaahinta kula hadlay xarunta dhexe ee xisbiga ayaa mar uu sheegayay mawqifka xisbigooda waxa uu xusay in xisbigoodu uu markaste u hogaansan yahay masiirka umadda jamhuuriyada Somaliland kuna shaqaynayo,sidoo kalena uu tixgalinayo qodobka 127 ee dastuurka dalka oo qeexaya in qaranimada Somaliland ay tahay mid aan gorgortan gali karayn, shakhsiyaad gaar ahina aanay masiirka umadda ku goyn karayn qolal.

Dhinaca kalena Afhayeenku waxa uu meesha ka saaray in gudoomiyaha xisbigoodu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Addis-ababa uu wax ka ogaa kulankii Addis-ababa ku dhex maray madaxwaynayaasha Somaliland iyo Somaliya oo uu ku tilmaamay kulan ku koobnaa shakhsiyaad gaar ah,sidoo kalena aanay jirin wax tallo galin ah oo xukuumaddu ay soo siisay xisbiyada mucaaradka ah iyo golayaasha qaranka midkoodna,dhawaana ay ka xisbi ahaan go’aan kasoo saari doonaan falalkaasi foosha xun ee ay sheegeen in madaxwayne Biixi ku talaabsaday.

Ugu Danbayn Garyaqaan Barkhad Jamaac Batuun waxa uu golaha Baarlamaanka Somaliland usoo jeediyey in maalinka barri ah ee Salaasadda 18 Febarwari la yimaadaan jawi kadib jawiyadii hore ee sawaxanka iyo sacabka iskugu jirey,madaama oo shacabka  Somaliland ay wakiila ka yihiin,madaxwayne Biixina ay waydiiyaan su’aalo ka turjumaya masiirka qaranimada Somaliland.

https://www.premierbank.so/