Xisbiga UCID oo ka deyriyey qabsoomidda Doorashada Somaliland
Xisbiga UCID ee
jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in aanay marnaba suurtagal ahayn
in doorashada wakiilada iyo deegaanku ay ku qabsoonto wakhtigii loo asteeyey ee
ahaa dabayaqaada sanadkan 2019, sababo la xidhiidha caqabadihii horyaalay oo
aan wali xal laga gaadhin awgeed.
Gudoomiyaha golaha
dhexe ee UCID mudane Jiir Cali Madoobe ayaa sheegay in ay haboon tahay in
markale la sameeyo muddo kordhin, si aanu mar kale u lumin waqtiga qabsoomidda
doorashooyinku, iyada oo muddadaas la cayimana lagu dhammaystirayo caqabadaha
hortaagan qabsoomidda doorashooyinka. Sida uu hadalka u dhigay.
Dhinkaca kalana Gudoomiyaha
golaha dhexe ee UCID oo Isniinta 30-ka September la hadlay talefishankan CODKA BARIGA AFRIKA waxa uu sheegay in
waqtigan aanay suurtagal ahayn in laga hadlo qaddiyada saami qaybsiga oo ah
caqabadda koowaad ee imika hortaagan qabsoomida doorashada. Waxa aanu dhaliilay
siyaasiyiin aanu magacaabin oo uu sheegay in ay ku hoos dhuumanayaan arrinta
Saami qaybsiga, oo uu sheegay in ay ku habboon tahay in laga hadlo qabsoomidda
doorashada wakiillada iyo deegaanka kaddib.
Mudane Jiir ayaa
intaasi ku daray in qaadiyadan Saami qaybsiga ay hore saddexda xisbi qaran ugu
gudbiyeen maxkamada sare ee Somaliland, sidaa awgeed ay haboontahay in
arrinkaasi ay maxkamaddu doorashooyinka kaddib wax ka qabato. Sida uu hadalka u
dhigay. Isaga oo dib u dhaca doorashooyinkana masuuliyaddeeda saaray
xukuumadda.
Dhinaca kalana, Gudoomiye Jiir Cali Madoobe waxa
uu xukuumadda Somaliland ku eedeeyey in ay ku fashilantyay xallinta colaadda
soo noqnoqotay ee Ceel-afwayn, arrintaas oo uu sheegay in ay xisbiga UCID aad u
damqayso, waxaanu madaxdhaqameedka labadaasi beelod u soo jeediye in ay si
dhakhso ah uga hawlgalaan soo afjarida colaadaasi soo noqnoqtay ee u dhaxaysa
labada beelood ee ood wadaagta ku ah Ceel-afwayn iyo deegaanada hoos yimaadda