https://www.premierbank.so/

Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Ka Mid Ah Golaha Wakiilada Somaaliland Ayaa Ka Digay Khatarta Uu Leyahay Hubka Dawladda Masar Siisay Somaaliya

Kaasi Oo Ay Somaaliland Walaac Xoogan Ka Muujisay Isla Markaana Sheegtay Inuu Halis Ku Yahay Xasiloonida Gobolka.

 

Xildhibaanka Ayaa Madaxweynaha Dalka Masar Ugu Baaqay Inu Ka Fiirsado Saanada Milatari Ee Uu Bilaa Sharciga Ah Ku Siisay Dawladda Somaaliya.

Isagoona Xusay In Hubkaasi Uu Noqonayo Mid Loo Isticmaalo Dadka Shacabka Ah Isla Markaana Ay Arintaaasi Ka Hor Imanayso Cuna Qabateyinta Hubka Ee Hore Loo Saaray Dalka Somaliya.

Xildhibaan Naasir Oo Khamiista Maanta Warbaahinta Kula Hadlay Magaaladda Hargaysa Waxa Uu Dhaliilay Ku Xigeenka Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Dhalasho Ahaan Kasoo Jeeda Somaliland Kaasi Oo Uu Ku Eedeeyey Inu Wado Falal Ka Dhana Jiritaanka Somaliland Isla Markaana U Sameeyey Dhalinyaro Badan Oo Baraha Bulshada Ka Dhaliisha Gooni Isu Taaga Somaliland.

Ugu Dambayn Xildhibaan Naasir Ali Shire Waxa Uu Ka Hadlay Xildhibaanada Ku Jira Golaha Shacabka Somaliya Ee Ku Abtirsada Deegaanada Somaliland Kuwaasi Oo Uu Sheegay In Aanay Jirin Cid Ay U Matalaan Joogitaankooda Koobfurta Somaliya.

Dawlada Somaliland ayaa Walaac Ka Muujisay Hubka Dawlada MAsar ay Soo Gaadhsiisay Dawlada Somaliya Kaasi oo Wasiirka Gaashaandhiga uu Bartiisa Tweterku ku Muujiyay Walaaca Somaliland ee Hubkaasi Soo Gaadhay Dalka Somaliya uu Halis ku Yahay Xasiloonida Mandaqada

https://www.premierbank.so/