https://www.premierbank.so/

Xildhibaan Maxamed Nuur oo katirsanaa golaha guurtida JSL ayaa ku geeriyooday Addis Ababa

AHN Waxa Caasimadda dalka itoobiya ku geeriyooday xildhibaan Maxamed Nuur oo katirsanaaa golaha guurtida JSL.

Gudoomiyaha Golaha Guurtidda JSL mudane Saleebaan Maxamuud Aadan isaga oo ku hadlaya magaciisa, magaca mudanayaasha Golaha Guurtidda iyo dhamaan shaqaalaha Golaha Guurtidda wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii qaraabadii asxaabtii iyo qaranka jamhuuriyadda Somaliland geeridii ku timid marxuum Xildhibaan Maxamed Nuur Sugaal oo ka tirsanaa mudanayaasha Golaha Guurtidda JSL oo ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Marxuumku wuxuu door muhiimana kasoo qaatay nabadayntii qaranka Jamhuriyadda Somaliland .

Gudoomiyuhu wuxuu ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo ehelkii qaraabadii asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland inuu samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo Aamiin aamiin