https://www.premierbank.so/

Xildhibaan Guurtida ah oo difaacay Jabuuti

Xildhibaan ka tirsan
Baarlamaanka Somaliland ayaa dhaliilay waxa uu ugu yeedhay in shakhsiyaad dano
gaar ah lihi ay aflagaadeeyaan dawladda Jabbuuti iyaga oo ku marmarsoonaya in
ay ilaalinayaan danta Somalilnd.

Xildhibaan Maxamed
Cabdiraxmaan Ilkacase, oo ka tirsan golaha guurtida ayaa sheegay in uu
madaxweynaha dalka Jabbuuti raalligelin ka siinayo hadallada ay maalmihii u
danbeeyey warbaahinta u mariyeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee
UCID.

Xildhibaanka oo
khamiista 3-da Oktoobar warbaahinta kula hadlay xarunta baarlamaanka ee
Hargeysa ayaa sheegay in aanay jirin dawlad gaar ah oo neceb horumarka
Somaliland, balse ay Somaliland ku jirto dadaalkii ay ku jebin lahayd
xayndaabka ay beesha caalamku Somaliland ku xidheen.

Xildhibaan Ilkacase
waxa uu sheegay in dawladda Jabbuuti ay qayb ka ahayd nabadgeliyada ay
Somaoland waqtigan ku naaloonayso, sidaa awgeed ay jabbuuti Somaliland
abaalweyn ku leedahay, loona baahan yahay in aanay umadda Somaliland
abaal-laawayaal noqon. Sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka
ayaa intaas ku daray in aanu isagu aaminsanayn in Jabbuuti laga soo caayo
Somaliland, sidaa awgeed ay dawladnimada Somaliland gef ku tahay in Somaliland
dhexdeeda laga caayo dalka Jabbuuti. Waxa aanu xisbiyada mucaaradka ah u soo
jeediyey in ay ka waantoobaan dhaliilo uu sheegay in aanay sal iyo raad lahayn
oo ay warbaahinta u marinayaan dawladaha jaarka la ah Somaliland. sida uu
hadalka u dhigay.

https://www.premierbank.so/