https://www.premierbank.so/

Xil. Qabille oo ka hadlay Mashruuca Yariisoow ee Berbera iyo Arinta Caarre

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay
mashruucii midowga Yurub ee loogu magacdaray duqii hore ee Muqdisho, in isaga
oo aan magacii laga beddelin lagu wareejiyey duqa magaalada Berbera Mudane
Cabdishakuur Ciddin. Arritnaas oo uu sheegay in ay ka hor imanayso hadalkii
hore uga soo baxay xukuumadda Somaliland ee ahaa in aanay aqbalayn mashruuc
magacaas sita in laga hirgeliyo Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan xildhibaannada
gobalka Saaxil ka soo galay golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar
uu jimchaha 11-ka Oktoobar la hadlay talefishankan CODKA BARIGA AFRIKA waxa uu
sheegay in guddiga dabagalka iyo la socoshada hantida qaranka ee golaha
wakiillada oo uu xubin ka yahay ay dabagal ku samayn doonto xaqiiqada
mashruucaas.

Dhinaca kalana waxa uu xildhibaan Qabile sheegay in waqtigan aanay
sax ahayn in madaxweynuhu uu ka qabgalo aaska Madaxweynaha Jabbuuti walaalkii,
taas oo uu sheegay in ay kaga filnayd in uu xubno wasiirradiisa ka mid ah iyo
xildhibaanno wakiisho, maadaama oo ay u yaalleen hawlo qaran oo xal u
raadintoodu muhiim tahay, taas oo ay ka mid tahay arirnta kornayl Caarre.

Xildhibaanka oo ka hadlayey kulankii dhowaan ay yeesheen odayaasha
dhaqanka ee beesha Kornayl Caarre iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland
ayaa ammaanay odayaasha iyo siyaasiyiinta oo uu sheegay in ay si fiican ula
kulmeen madaxweynaha, laakiin waxa uu madaxweynaha ku dhaliilay in uu muujiyey
in aanu ahayn qof go’aan qaadan kara.

Xildhibaanku waxa uu wax
laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynaha oo leh awood sharci oo uu wax ku
cafiyi karo, in uu odayaasha iyo siyaasiyiinta u sheegay in aanu isagu awood u
lahayn in uu cafiyo Kornayl Caarre, taas oo uu sheegay in ay dhabarjab ku
noqotay madax-dhaqameedka. Waxa aanu madaxweynaha ku eedeeyey in uu dhabarka
saartay eedii, ahayd in dulqaad aanu lahayn. Sida uu hadalka u dhigay.

https://www.premierbank.so/