https://www.premierbank.so/

Xil. Cabduqaadir Cosoble Oo Sheegay In Canshuurta Banaadir Lagu Maal-galiyo Gobole

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble cali  oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka sidoo kala ah guddomiyaha xisbiga ilays ayaa sheegay in dadka ku nool Gobolkan Banaadir aysan wax xaquuq ah ka heysan dowladda Federaalka

Xildhibaanka oo hadal ka jeediyay munaasabad ay ku midoobayeen qaar ka mid ah xisbiyadda siyaasadeed ee soomaaliya oo khamiistii 7-dii Novenber ka dhacay magaaladda muqdisho ayaa  Waxa uu sheegay  in ay muhiin tahay in la helo maamul u gaar ah gobolka banaadir iyo maqaamka muqdisho

Sidoo kale xildhibaan cabdulqaadir cosoble guddomiyaha xisbigga ileys ee soomaliya waxa uu sheegay  in gobolka banaadir uu yahay gobolka ay dowladdanimadda soomaaliya isla markaan lacagaha canshuur ahaanta looga qaado lagu maal galiyo sidda uu hadalka u dhigay

 Cosoble waxa uu sheegay in Madaxweynaha soomaaliya maxamed cabdullahi  Farmaajo uu balan qaaday xiligii uu dorrshadda ku jiray in Maamul gaar ah uu u sameyn doono Muqdisho,hase ahaatee uusan Balantaas fulin waxa uuna ku baaqay in madaxweynahu uu fuliyo balantii uu horay u qaaday  

https://www.premierbank.so/