https://www.premierbank.so/

Xanuunka KUDUUDIYE ayaa ka dilaacay Burco

Wararka telefeeshinka Codka Bariga Afrika ka helayo magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in uu magaalada Burco muddo badan kadib uu dib markale uga dilaacay xanuunka Kaduudiyaha oo ku cusub bulshada Somaalida.

Ila Wareedyo kala duwan oo ku sugan magaalada Burco oo marar kaladuwan uu la xidhiidhay Codka bariga Afrika ayaa u xaqiijiyey in cudurkan uu soo ritey dad aad u tiro badan oo u badan waayeel iyo caruur,islamarkaana wakhti xaadirkan xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka dawladda ee magaalada Burco.

Dadkan cusbitaalka Burco loodhigay xaaladooda caafimaad ee la xidhiidha xanuunkan ayaa la sheegaya in qaarkood laga keenay deegaanada ku dhawdhaw magaalada.

Xanuunkan oo ku cusub Bulshada Soomaalida ayaa ku dhaca jilbaha iyo gacmaha kaas oo qofka u diida in uu kaco islamarkaana isku soo dhaweeya lugaha iyo gacmaha tusaale ahaan sidii qof kadalooba oo kale.

Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka gaar ahaana Isuduwaha wasaaradda Caafimaadka Gobolka Togdheer mudane Aadan Malaay oo Codka Bariga Afrika khadka telefoonka kula xidhiidhay si uu arrintan wax uga waydiiyo ayaa gabi ahaanba ka gaabsaday inuu wax faahfaahina ka bixiyo kadib markii uu ka jawaabi waayay telefoonkisa gacanta.

Cabsi badan oo la xidhidha xanuunkan ayaa soo food saartay bulshada gobolka Togdheer,ilaa haddana wax wara kamay soo saarin wasaaradda caafimaadka ee heer qaran iyo heer gobol midkoodna.

https://www.premierbank.so/