https://www.premierbank.so/

XAMAR:- Masuul lagu xukumay Xabsi isagoo hore uga tirsanaa Alshabaab

Makxamadda ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa Axadda 16 Febarwari xukun xabsi ciidan ah ku ridey masuul ka tirsana a xarunta dawladda hoose ee Xamar oo lagu soo eedeeyey inuu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab,qaybna ka ahaa weerarkii sanadkii 2019 ka dhacay xarunta dawladda hoose ee Muqdisho.

Makxamadda ciidamada qalabka Siddda ay kalfadhigii ugu danbeeyey dhagaysiga dacwaddan oo muddo socotay waxa ay saddex sanno oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Nuur Cali Axmed oo loo yaqaano Mahad Alle,kaas oo baadhitaano dheeraad ah oo lagu sameeyey lagu ogaaday in uu hore ula soo shaqeeyay kooxda Al-shabaab isaga oo masuul dawladeed ah.

Axmed Nuur Cali (Mahad Alle) ayaa ahaa ku simaha agaasimaha shaqada eee maamulka gobolka Banaadir,waxaana gacanta kusoo dhigay baadhitaano lagu sameeyey kadib ciidamada sirdoonka Somaliya ee NISA,waxaana maxkamaddu ay sheegtay in masuulkan uu hore uga tirsanaa Al-shabaab,sidoo klaena aanu soo marin nidaamka is diwaangalinta xubnaha iskaga baxay fikirka Al-shabaab oo uu ku andacooday in u wakhti hore iskaga baxay .

Maxkamadda ayaa sidoo kalena xorriyadiisa usoo celisay Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed oo ay walaalo ahaayeen  Basiiro Cabdi Maxamed oo magaceeda runta ah uu ahaa Maryan Cabdi, loona tuhunsan yahay in ay ahayd qofkii fuliyey weerarkii 24-kii Julay ee sanadkii 2019 ka dhacay xarunta dawladda hoose ee Xamar oo ay ku dhinteen masuuliyiin kala duwan oo uu ku jiray gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqiii Muqdisho Marxuum Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “ENg Yariisow”.

https://www.premierbank.so/