Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo ka tirsan golaha wakiilada jamhuuriyadda Somaliland ayaa wasiirrada arrimaha gudaha iyo xannaanada xoolaha ku eedeeyey in ay iyagu hurinayaan colaadda Cel-afwan oo ay doonayaan in ay fiddo, laakiin aanay awood u lahayn in ay sii fidiyaan maadaama oo bulshada gobalka Sanaag ay colaaddaas xalkeeda gaadhay. Sida uu hadalka u dhigay.
Mudane Qabile waxa uu dhinaca kalena madaxwaynaha Somaliland u soo jeediyey in uu ka hawlgalo xal ka gaadhida xaaladaha colaadeed ee ka taagan degmadaasi. Isaga oo madaxweynaha kula taliyey in aanu ku hallayn wasiirada xukuumadiisa ku jira ee ka soo jeeda deegaankaas oo uu tusaale u soo qaatay wasiirada arrimaha gudaha iyo xanaanada Xoolaha Somaliland.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu sheegay in maadaama oo laga soo doorto degmada Berbera ee ay wasiirradu hadalkan ka jeediyeen, in uu bulshada Somaliland ka tacsiyadaynayo hadaladaas labada wasiir, isaga oo dhinaca kalana labada wasiir ugu baaqay in ay samaystaan fagaareyaal ay xisbiyada ka dhaliilaan balse aanay kula soo hoos dhuuman magaalada Berbera ee gobalka Saaxil.
Xildhibaan Qabile oo Arbacada 2 October warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ka difaacay, eedaha ay labada wasiir u soo jeediyeen shirwaynihii golaha dhexe ee uu xisbigu dabayaaqadii bisha Sabtembar ku qabsaday magaalada Burco, oo ay labada wasiir salaasadii 1-Oktoobar sheegeen in xisbgu uu taagersan yahay jabhado ka samaysma dalka.
Xildhibaanka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in labada wasiir ay xisbiga WADDANI ku tilmaamaan qaran dumis nabaddda dalka khalkhal galinaya. Waxa aanu sheegay in xisbiga WADDANI uu mar kasta u taagan yahay nabadgalyada iyo midnimada Somaliland. Sida uu hadalka u dhigay.






