https://www.premierbank.so/

Wasiirkii Warfaafinta SL oo iscasilay iyo siyaasiyiin ku eedeeyey X.KAAH.

Iscasilaadda Wasiirkii Warfaafinta Somaliland Mudane Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle ayaa siyaasiyiin badan ku eedeeyeen inuu marka horeba ka tirsanaa Xisbiga Kaah ee mucaaridka ah, ku doonayaan in shaqaaqadii Boorama kusii socoto.

Wasiirka ayaa iscasilaaddiisa ku sababeeyay hadalkii Madaxweynaha Somaliland ku sheegay inuu joojiyay bandhigga Buugga Xeer-Ciise ee ka qorshaysnaa in lagu qabto Saylac.

Wasiirka ayaa maalin ka hor sheegay in xukuumaddu ogolaatay bandhiggaas, taas oo keentay in rabshado ka dhacaan Boorama, Awdal, halkaasoo ay ku dhinteen dad shacab ah iyo askar ciidan ah.

Wasiirka ayaa ku andacooday sababta uu madaxweynuhu u jeediyay khudbadda uu ku joojiyay oo isaga loogu dhiibi waayay hadalka.

Siyaasi Cali Ibraahim oo hore u ahaa Guddoomiyihii Bangiga Dhexe ee Somaliland ayaa cambaareeyay iscasilaaddan kuna tilmaamay inay ka danbeeyaan hoggaanka xisbiga KAAH.

Iscasilaadda wasiirka ayaa timi kadib iyadoo shaqaaqadii Boorama ay degtay hadalkii madaxweynaha awgii, haddana ay magaaladu tahay mid deggen.