https://www.premierbank.so/

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaaliland ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah culimada iyo dhakhatiirta Somaaliland,kulanka oo lagu qabtay xaruunta Wasaaradda Warfaafinta

ayaa ahaa Mid lagaga Wad Xaajonayay sidii bulshada looga wacyigalin lahaa halista faafitaanka xanuunka coronavirus.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in gudida ka hortaga xanuunka coronavirus ay isla garteen in culimada iyo Dhakhatiirtu  yihiin labada awodood 1aad ee lagaga hortagi karo xanuunkani,isla markaana talooyinka caafimaad maskaxdooda kasoo maaxanayaan,isagoona sheegay in culimada iyo Dhakhatiirtaba looga baahan yahay inay bulshada u shegeen sida ugu fudud ee laga badbaadi Karo xanuunkan.

Qaar ka mid ah culimada iyo Dhakhtiirta waa wayne Somaaliland ee kulankani ayaa halkaasi bulshada ugu sheegay talaabooyinka laga hortagayo xanuunkaasi iyo Halista uu leyahay xanuunka coronavirus,iyagoona bulshada usoo jeediyey in loo baahan yahay in la ogaado qatarta xanuunkan,isla markaana tilmaamay inaan ilaa hada xanuunka waxa Daawo ah loo helin balse uu leyahay ka hortag,sidoo kale waxay soo jeediyeen inaan bulshada lala wadaagin daawoyin aan caadi ahayn iyo warar been abuur ah,isla markaana lala wadaago xog rasmiya oo lagu kalsoon yahay siday hadalkood u dhigeen.

Ugu danbeyntii Wasiirka Wasaaradda diinta iyo Awqaafta Somaaliland sheekh qaliil Cabdilaahi Axmed ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay inaan bulshada lagu ridin qalqal ku aadan xaqiiqada xanuunkan,isagoona sheegay in kulankani uu ahaan doono mid bulshada loogu soo gudbiyo khatarta caafimaad ee xanuunkan sida uu hadalka u dhigay.

https://www.premierbank.so/