https://www.premierbank.so/

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Addis Ababa qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalka Itoobiya.

Kulankaasi wuxuu Wasiirku la qaatay mulkiilayaasha shirkadaha:

  • Mr. Pandian – Mulkiilaha Avon Industries PLC
  • Mr. Rajeev – Mulkiilaha Anmol Paper Products Ethiopia PLC
  • Mr. Naval Agarwal – Mulkiilaha Maruti PLC

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira Somaliland. Ganacsataduna waxay si gaar ah u muujiyeen danahooda ku aaddan ballaarinta ganacsiyadooda gudaha Somaliland, iyagoo xusay inay danaynayaan in ay ka faa’iidaystaan dekedda casriga ah ee Berbera oo ah marin ganacsi oo istaraatiiji ah.

Mr. Pandian, Mr. Rajeev, iyo Mr. Naval Agarwal ayaa sheegay inay qorsheynayaan maalgashi ballaadhan oo ay Somaliland ka fuliyaan, iyagoo ku tilmaamay dekedda Berbera in ay tahay albaabka ugu habboon ee ganacsigooda ku xidhaya suuqyada caalamiga ah.
Wasiirka ayaa dhankiisa uga mahadceliyey xiisaha ay u muujiyeen Somaliland, isaga oo carrabka ku adkeeyey in Xukuumaddu diyaar u tahay inay fududeyso dhammaan shuruudaha maalgashiga, una heelan tahay inay dhiirrigeliso koboca ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.