Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL oo Shir la Qaatay Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Yaasiin Maxamed Faarax, ayaa maanta shir muhiim ah ku qabtay xafiiskiisa, kaas oo ay isugu yimaadeen Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland.
Shirka ayaa lagu dhegaystay warbixin uu soo jeediyey Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada, Mudane Cabdicasiis Ismaaciil Jaylaani, oo faahfaahin ka bixiyay qorshayaasha iyo hawlaha socda. Sidoo kale, guddidu waxay si qoto dheer u lafa gureen qorsheyaasha mudnaanta leh ee la qaban doono inta ka hadhay sanadkan.
Intii uu socday shirka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray habraacyada horumarinta, iyo sidii loo xaqiijin lahaa in himilooyinka Sanduuqa si hufan loo gaadho, loona gaaro guulo muuqda.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta joogtada ah iyo ka go’naanta dhabta ah ee dhammaan xubnaha guddida, si loo xaqiijiyo horumar waara oo dhallinyarada Somaliland anfaca.





