https://www.premierbank.so/

Wasiir Kooraha Warfaafinta oo casuumay Abwaanada JSL

Wasiirka wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa markii uug horeysay magaalada Hargeysa munaasibad hadhimo sharafeed ah ugu sameeyey badiba abwaanada Somaliland ee iskugu jira kuwii hore,kuwii dhexe iyo waliba abwaanada danbe ee da’a yarta ah .

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in dhibta ugu way nee dhaqanka Soomaalida haystaa in ay tahay in ay ku heshiin waayaan ama fulin waayaan qodobada la isku afgarto,taas badalkeedana ay soo bandhigaan qodobada kale ee la isku afgaran waayay,taas oo uu ku tilmaamay mid aad u liidata sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo hadal ka jeediyey munaasibada qado sharafta ah oo Sabtida 15 Febarwari ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa dhinaca kalena  lagama maarmaan ku tilmaamay in wasaaradoodu iyo bahda suugaantu ay la yimaadaan qorshe ah sidii bulshada Somaliland ee kala afgaarta iyo qabiilka duwan fikirkooda ugu midayn lahaayeen.

Wasiirka warfaafinta Somaliland waxa uu sidoo kalena bahda suugaan yahanada usoo jeediyey in ay hibadooda ay bulshada dheer yihiin inay ugu adeegaan,sidoo kaelna ugu shaqeeyaan kana shaqaystaan sida uu hadalka, sidoo kalena abwaanada looga baahan yahay wakhtiyada ay curintooda soo bandhigayaan in ay isku dheeli tiraan.

Dhinaca kalena qaar kamid ah abwaanada kasoo qayb galay kulankan ayaa dhankooda ka falceliyey kulankan iyo hadalad akasoo yeedhay wasiirka labadaba,iyaga oo qaarkoodna ay fariin u direen wasiirka warfaafinta Somaliland

Halkan ka daawo warkaas oo dhamaystiran

https://www.premierbank.so/