Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo Qabatay Kulan Seddex Biloodle ah oo Lagaga Hadlayay Horumarinta Caafimaadka Maskaxda
Waaxda Caafimaadka Maskaxda ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa maanta soo qabanqaabisay shirkii seddex-biloodle ahaa ee u dhexeeya waaxda iyo daneeyayaasha arrimaha caafimaadka maskaxda ee dalka. Shirkan waxa furay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Maskaxda, Dr. Yacquub Aadan Cabdi.
Kulanka waxa ka soo qaybgalay daneeyayaal kala duwan oo ay ka mid yihiin Agaasimayaasha Cisbitaalada Maanka ee dalka, Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka, iyo hay’adaha WHO, GAVO, HI, IOM, Global Mental Health Action Network iyo dalladda MAANKAAB.
Intii uu socday kulanku, waxaa si qoto dheer looga dooday sidii loo dardargelin lahaa adeegyada daryeelka caafimaadka maskaxda, loo xoojin lahaa wada-shaqaynta hay’adaha daneeya, loogana hortegi lahaa caqabadaha jira, iyadoo lagu talo galay in xal waara laga gaadho.
Sidoo kale, kulanku wuxuu diiradda saaray u diyaar-garowga Xuska Maalinta Caafimaadka Maskaxda Adduunka, oo la qabto 10-ka Oktoobar sanad kasta. Waxa la dejiyey qorshe qaran oo dhamaystiran oo lagu wajahayaa xuskaas si heer sare ah.
Shirka waxa si rasmi ah u soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, oo halkaas ka jeediyey khudbad qiiro leh oo isugu jirtay bogaadin iyo dardaaran. Waxa uu si gaar ah u adkeeyay in caafimaadka maskaxdu yahay mudnaan weyn u leh Wasaaradda iyo guud ahaan qaranka.






