https://www.premierbank.so/

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland oo Soo Gabagabeysay Kulan Wadatashi oo ku Saabsan Qorshaha Istaraatijiyadeed 2026–2029

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo gabagabeysay kulan wadatashi oo muhiim ah oo ku saabsanaa diyaarinta iyo dhamaystirka Qorshaha Istaraatijiyadeed ee Wasaaradda (2026–2029), kaas oo socday muddo laba maalmood ah.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd in si rasmi ah loo dhamaystiro qorshaha sanadka 2026, isla markaana loo dejiyo jihada istaraatijiyadeed, yoolalka mudnaanta leh, iyo qorshe-hawleed cad oo hagaya waxqabadka Wasaaradda afarta sano ee soo socota, ayaa waxaa si wadajir ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Jawhar Siciid Warsame, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Eng. Maxamuud Xuseen Aadan (Jabaake).

Intii uu socday kulanku, waxaa si qoto dheer looga dooday qaab-dhismeedka qorshaha, mudnaanta sanadka 2026, caqabadaha jira, fursadaha la heli karo, iyo xeeladaha lagu horumarinayo waxqabadka Wasaaradda, si loo xaqiijiyo adeeg hufan, tayo leh, isla markaana ka jawaaba baahiyaha bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Maanta oo ahayd maalintii labaad, ayaa si rasmi ah loo soo xidhay kulanka, waxaana soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta qorshaha sanadka 2026 iyo in Qorshaha Istaraatijiyadeed uu noqdo mid wax ku ool ah oo saldhig u ah horumar waara.